Eeyaha MW Maraykanka oo argagixin ka wada Aqalka Cad & Inta qof ee ay weerareen (Qaar isbitaal la dhigay)

0
President Joe Biden poses with the Biden family dogs Champ and Major Tuesday, Feb. 9, 2021, in the Oval Office of the White House. (Official White House Photo by Adam Schultz)

(Washington, DC) 25 Luulyo 2023 – Eeyga Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa qaniinay toddobo qof muddo afar bilood ah, kuwaasoo uu ku jiro wakiil ka tirsan Adeegga Qarsoodiga ee USSS oo isbitaal loo dhigay isagoo dhaawac ka qaba gacanta iyo lugaha, sida laga soo xigtey email-lo ay heleen dhaqdhaqaaqayaasha muxaafidka ah. Eygani waa kii labaad ee Biden ay u argagixiya Aqalka Cad.

Dhacdadii ugu cuslayd waxay dhacday bishii Nofeembar, markaas oo aygiisa nooca loo yaqaan ari-jirka Jarmanka, (dhamaan waa noocan eeyaha Biden), oo hal sano jir ah – loona yaqaan ‘Taliyaha’ ama ‘Commander’ – uu ka soo degey jaranjaro oo uu qaniinay wakiilka oo fadhiyey xagga hoose.

Commander ayaa wakiilka ka qaniinay cududdiisa iyo bowdada, taasoo keentay “xanuun aad u badan” wuxuuna ku khasbay wakiilka inuu isku difaaco bir yar maadaama eygu uu “mar kale ka daba yimid”, sida ku cad email ay maanta daabacday Judicial Watch, oo ah koox muxaafid ah oo la socota siyaasadda dalkaasi.

Wakiilka ayaa loo diray isbitaal maxalli ah oo uu joogo dhakhtarka Aqalka Cad, waxaana laga fasaxay shaqada saddex maalmood kaddib weerarka.

“Maxay kaftan tahay… haddii uusan ahayn eeygooda wuu dili lahaa,” ayuu yiri saaxiibka wakiilka oo farriin u qoray saaxiibkiis dhaawacamay laba maalmood kaddib, isaga oo ku daray in “bahalka baasi u baahan yahay in afka laga xiro.”

Biden ayaa waxa la siiyey eeyga ”Taliye” bishii Diseember 2021, dhawr bilood kaddib markii uu ka dhintay Champ, uu ku dhintay 13-jir.

Islamarkaas, eeyga kale ee Major, ayaa loo diray guriga qoyska ee Delaware kaddib markii uu si isdaba joog ah u qaniiney wakiillada Secret Service-ka.

Hadalsame Media