(Washington, DC) 25 Luulyo 2023 – Aqalka Cad ayaa lagu wadaa inuu sameeyo Guddi Howleed isku day looga hortagayo in Koobka Adduunka 2026 ay harqiso dhibaato dhanka fiisaha ah.
Mail Sport ayaa waxay ogaatay in koox khaas ah ay samayn doonaan saraakiil ku sugan caasimadda Maraykanka iyada oo ay jirto welwel laga qabo in ciyaartooyda, shaqaalaha iyo malaayiinta taageere ay saamayn ku yeelato dhibaatadan.
In kasta oo tartankani aanu furmi doonin muddo saddex sannadood ah kahor, haddana waxa hadda arrintan durba ku howllan madaxda Maraykanka si ay iskugu dayaan inay abuuraan nidaam u ogolaanaya dadka ku lugta leh iyo kuwa ka qaybgelaya tartankan ama diyaarinaya inay si fudud ugu safraan dalkaasi dhibaato la’aan.
Waxaa la fahamsan yahay in madaxda FIFA ay la shaqaynayaan dhiggooda Maraykanka wax noqon doona howl aad u adag oo waqti badan qaadanaysa, haddii aan iminka lasii sahlin.
Tartankan caalamka ugu xiisaha badan ayaa waxaa lagu qabnayaa saddex waddan oo kala ah – Maraykanka, Mexico iyo Canada – taasoo adkaynaysa xaalad awalba sii qallafsanayd.
Balaarinta dalalka Koobka Adduunka darteed, 104 kulan ayaa la ciyaari doonaa halkii ay ka wal ka ahaan lahaayeen 64-ka ciyaarood iyadoo 48 xulk ay ka qayb qaadanayaan 2026-ka.
Tirada korodhay ee ka qaybgalayaasha iyo ciyaaraha dheeraadka ah ayaa sii adkaynaya umuurta.
Hadalsame Media