
(Moscow) 24 Luulyo 2023 – “Iskudaygii weerar ee ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen Moscow subaxnimadii Isniinta, kaas oo waxyeello u gaystey dhismayaal badan oo aan la deganayn, waa “fal argagixiso caalami ah,” ayay tiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ee Maria Zakharova.
Afhayeenadda ayaa cambaaraysay weerarka subaxnimadii Isniintan xilli ay la hadlaysay TV-ga RTVI kaasoo ay ku eedaysay Kiev oo aan weli ka hadlin.
Horaantii, Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in Ukraine ay isku dayday in ay samayso “Weerar Argagixiso” oo ka dhan ah Moscow iyada oo adeegsanaysa laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu xakameeyey hababka dagaalka ee elektiroonigga ah ee Ruushka.
Wakaaladda TASS ayaa sheegtay in dhowr firir oo daroon ah laga helay dhismaha Komsomolsky Prospekt oo ku yaal bartamaha magaalada Moscow, kaasoo aan ka fogeyn Xarunta Wasaaradda Difaaca.
Sidoo kale wakaaladdu waxay intaas ku dartay in diyaaradda kale oo isla nooca UAV ah ay ku burburtay xarun ganacsi oo ku taalla koonfurta caasimadda, iyadoo burburisay daaqadaha gurigaasi.
Maamulka magaalada ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka ee labada goobood, balse ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media