Gabdhaha Brazil oo Koobka Adduunka ka dhaliyey gool lagu tilmaamay mid farshaxan ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2023 – Brazil ayaa bilowday isku daygooda hanashada Koobka Adduunka Haweenka markii ugu horreeysey kaddib markii ay dhaliyeen afar gool weliba goolka saddexaad ayaa ugu fiicnaa guushii ay 4-0 kaga badiyeen Panama.

Kaddib markii ay markii ay bilowgii hore woxoogaa ku dhibtoodeen inay goolka helaan furitaanka Group F, Pia Sundhage ayaa wacdaro dhigtay qaybtii labaad.

Within three minutes of the restart, Kerolin and Debinha combined sharply, allowing time and space for the latter to bend an inviting delivery toward Ary Borges.

Saddex daqiiqo gudahood markii dib loo billaabay gelinkii 2-aad, Kerolin iyo Debinha ayaa si qurux badan iskugu xirmey, taasoo u oggolaatay waqti iyo meel ay gabadha dambe kubad qurxoon ugu dhiibto Ary Borges.

Borges, oo dhalisay labada gool ee qaybtii hore ee ciyaarta, una muuqatay inay diyaar u tahay inay soo xirto goolkeeda seddaxleeyda, ayaa muujisay naf-hurid iyadoo cag qurxoon u wareejisey Bia Zaneretto si ay u toogato saqafka sare ee shabaqa.

Xulka Panama oo sidii cad cad loo jarjaray, ayaa waxaa ugu darnaa goolkan oo la sheegay in lagu dhaliyey qaabka Samba-da Brazil.

Taageerayaasha ayaa aad ugu riyaaqay goolkan iyo qaabka xirfadaysan ee ay u dhiseen gabdhuhu kahor dhalintiisa, taasoo farshaxan lagu misaalay.

Hadalsame Media