Calaamadda cusub ee Twitter-ka oo durba hirgashay iyo Meesha ay weli ka dhimman tahay

0

( San Francisco) 24 Luulyo 2023 – Calaamad cusub oo ka samaysan xarafka X oo madow iyo caddaan ah ayaa durba bedelay shimbirkii buluugga ahaa gaar ahaan nooca desktop-ka ee shabakadan baraha bulshada, inkastoo uusan weli ka soo muuqan abka mobaylka.

Waxaa sidoo kale la bedeli doonaa kelmadda “Tweet”, sida uu sheegay milkiilaha Twitter Elon Musk, qoraalada waxaa loogu yeeri doonaa “x-yada ama X’s”.

Bilyaneerkan ayaa sawirkiisa ku bedeley astaanta cusub waxa uuna boggiisa Twitter-ka ku daray “X.com”.

On Sunday, the billionaire said he was looking to change Twitter’s logo, tweeting: “And soon we shall bid adieu to the Twitter brand and, gradually, all the birds.”

Musk waxa uu rabaa in uu sameeyo “app wayn” oo lagu magacaabo X – waana aragtidiisa ku aaddan nooc cusub oo baraha bulshada ah oo uu ka hadlayey abuuritaanka muddo bilo ah.

Axaddii, bilyaneerku wuxuu sheegay inuu eegayo inuu beddelo astaanta Twitter-ka, isagoo bartiisa twitter-ka soo dhigay tweet u dhisan: “Dhowaan waxaan macasalaamayn doonnaa astaanta Twitter-ka iyo, si tartiib tartiib ah, dhammaan shimbiraha.”

Kaddib waxa wadaagay sawirka calaamada cusub ee ”X” ee laga taagey xarunta Twitter-ka ee San Francisco.

Elon Musk and X logo

Hadalsame Media