(Paris) 24 Luulyo 2023 – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa siisay Al-Hilal ogolaansho uu kula hadlo Kylian Mbappe kaddib markii ay dalab £259 milyan oo ginni ah ka gudbisay weeraryahanka.
Mbappe ayaa iib ka ah kooxda haysata horyaalka Faransiiska kaddib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis cusub, waxaana laga yaabaa inuu hadda ku biiro xiddigaha sida Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ee Sucuudiga.
PSG ayaa hadda u ogolaan doonta kooxda reer Saudi Arabia inay toos ula hadasho 24 jirkaan, kaasoo looga soo tagay guriga safarkoodii xilli ciyaareed-horaadka ee Japan iyo South Korea.
Wararka ku saabsan dalabkan ayaa markii ugu horreeysey lasoo bandhigay horaantii Maanta, PSG ayaanay had iyo jeer u badan tahay inay aqbasho maaadaama Madaxwayne Nasser Al-Khelaifi uusan doonayn inuu si bilaash ah ku lumiyo laacibka sanadka 2024.
Haddii la dhamaystiro heshiiskan waxa uu meesha ka saarayaa midkii Neymar uu £198 milyan oo ginni ugasoo wareegay Barcelona kuna biiray PSG isaga oo noqon doona heshiiskii ugu qaalisanaa taariikhda kubbada cagta.
Hadalsame Media