“Waxaad tahay Drogba oo is qarinaya” – Jackson oo mar kale xalay wacdaro dhigay (Daawo)

0

(New Jersey) 23 Luulyo 2023 – Kooxda Chelsea ayaa xalay gadaal kasoo noolaatay si ay 4-3 ugu garaacdo kooxda dhibleeyda ah ee Brighton oo ay New Jersey, USA isku arkeen.

Mid ka mid ah waxyaabaha wanaagsan ayaa waxaa durba ka mid ah qannaaskii at 31 milyan ee ginni soo siisteen Blues ee Nicolas Jackson, kaasoo ka yimid Villarreal xagaagan.

Waxa uu durba caawiyey 4 gool labadii kulan ee saaxiibtinnimo waxaana uuna xalay helay goolkiisii ugu horeeeyay ee Blues.

Waxa u sallaxay Marc Cucurella, markii uu goolal u dhigay Mykhailo Mudryk iyo Gallagher oo badal kusoo galay.

Wuxuu u dhamaystiray si kalsooni leh isagoo kubadda dhaafsiiyey goolhayaha, waxaana si sax ah loogu cimaamaday inuu yahay xiddiggii garoonka. Waana mudnaa.

Senegalese-kani waxa uu u muuqdaa mid deg deg badan, xirfad leh oo waxa uu leeyahay farsamo la hubo. Chelsea ugu dambayntii ma heshay weeraryahan dhexe?

Haa, ugu yaraan ilaa haatan. Mid ka mid ah taageerayaasha Chelsea ayaa ku dooday “ninyohow waxaad tahay Drogba oo is qarinaya.”

Hadalsame Media