“Waa kursi MAXLAL ah” – Guddoonka SSC oo ka hadlay moowqifkooda doorashada Faratoon

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2023 – Mas’uulka ugu sarreeya ee SSC-Khaatumo ku metela Dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Guddoomoye SSC, ayaa durba ganafka ku dhuftay doorashada Faratoon.

Faratoon oo horay u ahaa Wasiir Dibadeedka Maamulka Somaliland ayaa saaka loo doortay Guddoonka Aqalka Wakiillada.

Yeelkeede, waxaa tillaabo asal ma dooriso ah kasoo qaaday Guddoonka SSC oo yiri:

“Kursiga loo maxlalay Faratoon waxba kama beddeli karo halganka SSC.”

Hadalsame Media