Dal reer Galbeed ah oo qiray in Shiinuhu uu booska 1-aad kala wareegayo Maraykanka

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2023 – Adduunku waxa uu wajahayaa isbeddelkii ugu waeynaa ee muddo tobanaan sano ah, iyada oo Maraykanku uu qarka u saaran yahay inuu lumiyo mansabkiisa hoggaamineed ee dunida oo uu ka qaadanayo Shiinuhu, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Hungary ee Viktor Orban oo Sabtigan hadlay.

Tani waxay keeni kartaa hardan wayn oo u dhexeeya Washington iyo Beijing ilaa Maraykanku aqbalo inuusan noqon karin “guulaystaha” abadiga ah, ayuu ka digey.

“[Shiinuhu] waxa uu noqday quwad wax soo saar leh, waxana uu hadda dhaafayaa Maraykanka,” ayuu Orban ku yiri khudbaddiisa sannadlaha ah ee magaalada Baile Tusnad ee Bariga Transylvania ee Romania.

”30 sano oo kaliya, Shiinuhu waxa uu soo maray kacaankii wershadaha ee Galbeedka ku qaatay saddex qarni,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Hungary, isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu ku dhowdahay inuu ‘macsalaameeyo’ maqaamka ka dhigay awoodda kaliya ee adduunka.

Beijing sidoo kale waxay caqabad ku tahay qiyamka Washington ay ku rabto inay isu muujiso dal caalami ah, ayuu yiri Orban. Shiinuhu wuxuu u arkaa Maraykanka inuu yahay mid ku socda “fikrad colaadeed,” ayuu yiri, isagoo raaciyry “woxooga run baana halkaa ku jirta.”

Hadalsame Media