Gobol ka tirsan Maraykanka oo lagu arkay libaax-badeedyo bartay cunista darooga & Sida ay ku barteen

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2023 – Libaax-badeedyada ku sugan xeebaha Florida ayaa laga yaabaa inay cunaan daroogada cocaine-ka ee ay badda ku ridaan kooxaha daroogada ka ganacsada, sida ay ogaadeen cilmi-baarayaal Maraykan ah.

Taasi waa mid ka timid xogta Ilaalada Xeebaha Maraykanku ay sheegayaan inay ku qabteen ilaa 6,400 kiiloogaraam (14,109 rodol) oo cocaine ah Badda Caribbean-ka iyo Badwaynta Atlaantiga bishii la soo dhaafay oo qura.

Cilmi-baarayaal ka shaqaynayey taxane ka baxaya TV-ga Discovery Channel oo soo socda oo la yiraahdo ‘Cocaine Sharks’ ayaa u sheegay LiveScience Khamiistii inay ogaadeen in qaar ka mid ah libaax-badeedyadu ay u dhaqmayeen si la yaab leh aaggaasi, islamarkaana ay kalluumaysatadu sheegeen inay la kulmeen kalluun daroogada qabatimay ama addicted noqday.

Bad-yaqaanka Tom Hird, iyo Saynisyahanka degaanka ee Jaamacadda Florida, Tracy Fanara ayaa ku andacoonaya in intii lagu guda jirey quusitaan tijaabo ah ay arkeen libaax-badeedka loo yaqaan madax-burriska – oo nooc oo si joogto ah uga carara bini’aadamka – oo si toos ah ugusoo ordaya kooxdii quusaysey..

Nooc kale ayaa isna la arkay isagoo si joogto ah ugu dabaalanaya meelo ciriiri ah iyadoo ay muuqato inuu cayrsanayo shay aan dhab ahaantii meeshaasba joogin, sidii wax cabsan.

Saynisyahannadu waxa kale oo ay sameeyeen tijaabo ay biyaha dul dhigeen shimbir biyood boombale ah iyo xirmo u muuqaal u eg maandooriyaha cocaine-ta.

Balse la yaabka cilmi-baarayaasha, libaax-badeedyadu ma aysan weerarin shimbirta e  waxay si toos ah u aadeen ‘xirmada kookaynta’, iyagoo isku dayaya inay qaniinaan. Mid ka mid ah libaax-badeedka ayaa xitaa qabsaday xirmadii oo dhan oo deeto la cararay.

Waxaa sidoo kale lagu tijaabiyey xirmo kalluun ah oo can-tallaal ahaan loo adeegsado marka la dabayo kalluunka iyo xirmo kookayn ah, balse waxay aadeen kookayntii.

Waxaa sidoo kale diyaarad laga soo ridey wax u eg xirmooyin kookayn ah iyadoo meel dhow lagala socdo, balse waxay markiiba ku ordeen kookayntii beenta ahayd, balse waloow ay cilmi-baarayaashu sheegayaan inay ka walaacsan yihiin inay bahaluhu daroogo barteen waxaa sii soconaysa baarista.

Hadalsame Media