(Hadalsame) 22 Luulyo 2023 – Madaxa Apple ee Eddy Cue ayaa si wax ku ool ah u diidey iibsashada qayb ka mid ah xuquuqda baahinta Premier League maadaama shirkadda wayn ee tignoolajiyaddu ay rabto heshiisyada in la siiyo ‘xuquuqda caalamiga’ sida tan ay kula jiraan horyaalka Maraykanka ee Major League Soccer.
Xagaagii lasoo dhaafay shirkadda tiknoolojiyadda adduunka ugu wayn ayaa waxay samaysay in markii ugu horreeysey ay baahiyaan kubbadda cagta, iyadoo iskaashi caalami ah oo mudda dheer ah la gashay tartanka ugu wayn Woqooyiga Ameerika ee MLS.
The company have long been linked with bids for Premier League and Champions League rights, but Cue, part of Apple’s leadership team, indicated they would only want deals with the same breadth and scope as the one with MLS.
Heshiiska oo 10-sano ah ayay Apple ku tebinaysaa dhammaan kulamada MLS ee adduunka loosii daynayo – waana heshiis uu maamulka horyaalku ku sheegay ‘mid taariikhi ah’.
Shirkadda ayaa muddo dheer lala xiriirinayey dalabyo ay ku doonayso xuquuqda Premier League iyo Champions League, laakiin Cue, oo qayb ka ah hoggaanka Apple, ayaa muujiyey inay kaliya rabaan heshiisyo ballaaran oo la mid ah kan MLS.
“Xuquuqda u baahinta horyaalka ee caalamka ayaa muhiim noo ah.” ayuu ku dooday isagoo doonaya inay kaligood gacanta ku dhigaan baahinta horyaalka ee loo daynayo caalamka.
Hadalsame Media