(Hadalsame) 20 Luulyo 2023 – Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga iyo Madaxwaynaha Imaaraadka Carabta, xilli boqortooyooyinka Khaliijku ay ku loollamayaan inay ka taliyaan Bariga Dhexe, sida uu qoray wargayska Wall Street Journal.
Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo loo yaqaan MBS iyo saaxiibkii hore Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, oo inta badan loogu yeero MBZ, ayaan wada hadlin in ka badan 6 bilood, sida uu sheegay warqaadkan Maraykanku, isagoo soo xiganaya dad la socda arrinta.
Sida laga soo xigtey WSJ, labada nin ayaa “waxay hadda ku muransan yihiin ciddii hormuud ka noqonaysa Bariga Dhexe halkaasoo Maraykanku uu door sidii hore ka yar ka ciyaarayo.”
Sarkaal sare oo ka tirsan Mamulka Biden oo aan la magacaabin, oo la hadlay warbaahinta, ayaa ku tilmaamay MBS iyo MBZ inay yihiin “laba qof oo hammi sare leh, kuwaas oo doonaya inay noqdaan ciyaartooyda muhimka ah ee gobolka.”
“Heerarka qaar weli way iska kaashadaan. Hadda, midkoodna uma muuqdo mid ku qanacsan in kan kale ku daaqad noqdo. Marka la eego isku dheellitirnaanta, anaga faa’iido inooma yeelanayso inay qoorta isu galaan,” ayuu yiri sarkaalku.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalkan deriska ihi ay ku kala qaybsan yihiin arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin colaadda Yemen iyo siyaasadda ay ku socdaan iyo cidda yeerinaysa ururka dalalka Shidaalka dhoofiya ee OPEC oo labaduba ay xubno muhim ah ka yihiin.
Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inaysan ku faraxsanayn dadaalka Bin Salmaan uu ku doonayo inuu shirkadaha reer Galbeedka ah kasoo kexeeyo Dubai oo keeno Riyaad taasoo uu MBZ uu 2022-kii si cad ugu sheegay inay wax u dhimi doonto xiriirka labada dal, iyadoo hoggaamiyaha Sucuudigu uu ka shaqaynayo sidii loo dhimi lahaa ku tiirsanaanta dhaqaalaha dalkiisa ee dhoofinta saliidda.
Hadalsame Media