”Markabkii u socda dekedaha Ukraine waa bartilmaameed” – Maraykanka & Turkiga oo ka baqay digniin culus oo kasoo baxday Ruushka

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2023 – Maraykanka ayaan wax qorshe ah u haynin inuu caawiyo maraakiibta soo gelaysa dekedaha Ukraine, sida ay Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ay arbacadii xaqiijisay, iyadoo ka jawaabtey su’aal weriye ah oo ku saabsan digniinta Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ee ah in dhammaan maraakiibta ku wajahan dekedaha Ukraine ee Badda Madow loo tixgelin doono bartilmaameedyo ciidan.

Washington ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay taageerto dadaalka Ukraine ee badarka Ukraine lagu gaynayo suuqyada caalamka,” ayay tiri Jean-Pierre, iyadoo ballanqaadaay $ 250 milyan oo ah xirmo gargaar ah oo ay wehliyaan abuur, bacriminta beeraha, iyo caawinta kaydinta dalagga iyo shiiditaanka badarka.

Milateriga Ruushka ayaa Arbacadii soo saaray digniin cusub oo ku wajahan Badda Madow, isaga oo ku dhawaaqay meelo gaar ah oo ka mid ah baddeeda caalamiga ah in ay yihiin “ku-meel-gaar ah oo aan ammaan ahayn” maraakiibta.

Si kastaba ha noqotee, markii la waydiiyay waxa Maraykanku u qorsheeyey “kor u qaadista awoodda ciidamada badda [Ukraine],” waxay bixisay kaliya ballanqaad aan kala caddayn oo ah “in la hubiyo inay Ukraine haystaan waxa ay u baahan yihiin si ay isu difaacaan.”

Dhanka kale, Ankara waxay diidi doontaa codsi kasta oo uga yimaada Kiev oo ah inay isticmaalaan maraakiibta dagaalka ee Turkiga si ay u gelbiyaan maraakiibta badarka sida ee Ukraine ee ku sugan Badda Madow iyadoo ay Turkigu isku deyi doonaan inay markale soo nooleeyaan heshiiska uu Ruushku ka baxay, sida ay Bloomberg soo werisey, iyadoo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah.

Ruushka ayaa Isniintii si rasmi ah uga baxay heshiiska badarka ee Badda Madow. Heshiiska ayaa markii hore la saxiixay bishii Luulyo 2022-kii iyada oo ay dhexdhexaadinayeen Qaramada Midoobey iyo Turkiga, waxaana uu dhigayey inaan la weerarin maraakiibta Ukraine ee la mariyo Badda Madow tiiyoo ay jirto colaadda u dhexeeysa Moscow iyo Kiev.

Moscow waxa ay qiil uga dhigatay ka bixida heshiiska in Galbeedku ay uga bexeen ballanqaadyadii ahaa in cunaqabataynta laga qaadayo dhoofinta cuntada iyo agabka bacriminta Ruushka.

Millateriga Ruushka ayaa Arbacadii shalay soo saaray digniin cusub oo ku wajahan Badda Madow, isaga oo ku dhawaaqay meelo gaar ah oo ka mid ah badda caalamiga ah inaan lasoo marin karin wax maraakiib ah.

“Kaddib joojinta Hindisaha Badda Madow iyo baabi’inta heshiiskii marinka bini’aadminnimada ee badda, laga bilaabo 00:00 waqtiga Moscow Luulyo 20, 2023, dhammaan maraakiibta kusii socota dekedaha Ukraine ee lagu arko Badda Madow waxaa loo tixgelin doonaa inay sidaan shixnado millateri waana bartilmaameedyo idman.” ayay bayaan ku sheegeen Ciidanka Ruushku.

Hadalsame Media