DEG DEG: Safaaradda Sweden ee Ciraaq oo dab la qabadsiiyey kaddib Qur’aan gubid kale oo la ogolaaday (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2023 – Dadwayne aad u fara badan oo rabshado samaynaya ayaa gudaha u galay Safaaradda Sweden ee Ciraaq, waxayna dab qabadsiiyeen dhismaha Safaaradda, iyagoo ka cabanaya mudaaharaad si rasmi ah loo fasaxay, kaasoo ay suurtagal tahay in lagu gubo Qur’aanka Kariimka ah oo la qorsheeyey in lagu gubo bannaanka Safaaradda Ciraaq ee Stockholm.

Boqollaal dad ah ayaa ku soo xoomay xafiiska diblomaasiyadeed subaxnimadii hore ee Khamiistan, kaddib markii wadaadka saamaynta leh ee Shiicada ee Muqtada al-Sadr uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay mudaaharaad sameeyaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa lagu faafiyey khadka internetka, iyadoo hal clip la sheegay inuu muujinayo rabshado ka dhacay Safaaradda.

Dab iyo qiiq ayaa laga arki karaa muuqaallo kale, iyadoo uuro madow ay ka soo baxayeen daaqadaha safaaradda jeer ay dibadbaxayaashu ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo kala duwan.

Mudaaharaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ogolaanshaha Dowladda Sweden ee in Qur’aanka lagu gubo afaafka hore ee Safaaradda Ciraaq ee Stockholm Khamiistan maanta ah.

Hadalsame Media