Askari Maraykan ah oo u goostay dhanka dalka Kuuriyada Woqooyi & Xeelad uu degey

0

(Soeal) 20 Luulyo 2023 – Xubin ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa si iskiis ah uga goostay dhanka Aagga Millateriga ka Caaggan (DMZ) ee Woqooyiga Kuuriya – sida la sheegay isagoo wajahaya dacwad edbin ah oo dalkiisa uga furnayd – taas oo xiisad kale ka dhex abuurtay Washington iyo Pyongyang oo aan awalba isku niyad samayn.

Askarigan oo aanu MARAYKANKU magac dhabin ayaa ku jirey socdaal wax tusid ah oo uu ku marayey Aagga Amniga Wadajirka ah ee tuulada Panmunjom isagoo isku qarinaya dad dalxiis ahaa markii uu kasoo tallaabay xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya (DPRK).

“Waxaan aaminsan nahay inuu hadda ku sugan yahay DPRK waxaana la shaqaynaynaa dhiggeena KPA (Ciidanka Dadka Kuuriya) si loo xalliyo dhacdadan,” ayuu yiri Taliska Qaramada Midoobey, oo kormeera aagga ciidanka ka caaggan.

US military officials told media outlets that the soldier “willfully and without authorization” crossed into North Korea. CBS News reported that the servicemember was being escorted back to the US for disciplinary reasons and had gone through airport security when he somehow absconded and joined the border tour group.

Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegay in askarigu “si ula kac ah oo aan amar loo haysan” uu uga gudbey Kuuriyada Woqooyi.

CBS News ayaa ku warrantay in askariga dib loogu celinayey Maraykanka sababo anshax marin ah dartood uuna soo maray ammaanka garoonka markii uu si uun u baxsaday kuna biiray koox dad ah oo dalxiisoo xadka maraysey.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in askariga goostay uu magaciisu yahay Travis King oo ka tirsan ciidamada Maraykanka.

Hadalsame Media