(Hadalsame) 19 Luulyo 2023 – Dagaalka lagu la jiro Shabaabka argagixisada ah 3 qolo ha lagu daro:
1) shacabka ku nool dhulka Shabaabku haystay mudda dheer ee Shabaabku MASKAXDOORIYEEN (brainwash). Dadkan sida laga filan karo waxaa ka buuxa dad Shabaab caqiiddo ahaan la jira, sidaa daraaddeed waa in dhaqancelin iyo dib u programming lagu sameeyo inta ka horraysayna waa in il gaar ah loo yeesho oo dhaqdhaqaaqooda la xaddido ilaa la diwaangelinayo lagana aqoonsanyo qof qof iyo qoys qoys.
2) Culimada Shabaabka soo saara ee kutubta argagaxa iyo nacaybka masaajidda ka akhriya. Kuwani waa warshad wayn oo maalin walba soo saarta kumannaan argagixiye nacayb la cartamaya. Runtii inta warshadahani furan yihiin dagaalka Shabaabku lagu la jiraahi waa riwaayad si xun loo jilayo.
3) Qolada saddexaad waa kuwa dagaallada qabiilka abaabula iyo kuwa qabiillada u dagaallama. Kuwani waa cadow kale oo Shabaab kalkaal ah si toos ah iyo si dadbanna Shabaabka ayay ugu adeegaan. U fiirso mar walba oo Shabaabka cadaadis ciidan la saaro waxaa kordha dagaallada beelaha u dhexeeya ee miyiga iyo tuulooyinka ka dhaca. Waxaa u dambeeyay kuwa Raagaceelle iyo Cadale ka dhacaya.
W; Q: Cali M Diini
Hadalsame Media