”Dadkeenna uma khasaarinayno Ukraine darteed” – Dal ka tirsanaa kuwii ugu dhowaa Kiev oo weji cusub la yimid

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2023 – ”Poland ma qorshaynayso inay suuqeeda u furto qamadiga iyo xabuubka Ukraine kaddib markii la joojiyay heshiiskii badarka ee Badda Madow,” side uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Poland ee Mateusz Morawiecki oo intaa u sheegay suxufiyiinta.

Ruushka ayaa Isniintii ku dhawaaqay in aanu kordhin doonin ka qaybgalkooda qorshaha ay fududaysay Qaramada Midoobey ee lagu ogolaaday in wax soo saarka beeraha ee Ukraine laga dhoofiyo Badda Madow, kaasoo loo yaqaan Hindisaha Badarka ee Badda Madow.

Mar la waydiiyey inay jirto fursad ah in badar ka yimid Ukraine loosoo raro Poland hadda oo heshiiskii Ruushku uu meesha ka baxay, Morawiecki ayaa ballanqaaday in Warsaw aysan oggolaan doonin oo ay sii wadi doonto difaacidda danaha beeralayda Poland.

“Waxay u badan tahay inaan noqon doonno kuwo aad u adag marka ay timaado ilaalinta suuqa Polish-ka,” ayuu yiri Morawiecki, isaga oo intaa ku daray in Poland ay sii wadi doonto caawinta in dalalka EU-da loo daabulo badarka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay, in suuqyada Poland ay sii ahaan doonaan kuwa ka xiran wax soo saarka beeraha ee Ukraine.

We will probably be very tough when it comes to protecting the Polish market,” Morawiecki said, adding that Poland will continue to help the EU transit Ukrainian grain. He noted, however, that Polish markets will remain closed for Ukrainian agricultural products.

“Tani waa howl u taal Komishanka Yurub, iyo Maamulka Maraykanka inay ka shaqeeyaan habab ku habboon dhoofinta badarka Ukraine. Waanu ka qayb aadan karnaa, laakiin taasi naguma khasbi doonto inaan furno suuqeenna si loo waxyeelleeyo danaha beeralayda Poland.” ayuu wacad ku maray Ra’iisul Wasaaruhu.

Hadalsame Media