6 cilladood oo ay leedahay doodda niicda ah ee ”anigu beeshayda ayaan metelaa” & Khalad laga fahmey 4.5

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2023 – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, oo hortegey Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si shaacsan u qirtay in uu reerkiisa shaqaalaysiiyo mar kasta oo uu fursad u helo, waloow uu maanta bixiyey raalligelin malageed galay.

“Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyey, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda ku sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo.” ayuu si dhiirran ugu dooday Wasiir Jibriil Cabdirashiid.

Waloow ay dad badan oo waxgarad ihi arrintan aad u dhaliileen misna waxaa jira dad badan oo si sadxi ah ama dul ka xaadis ah wax u qiimeeya oo ku dooday inuu ”ninkani karti leeyahay, iyo inay madaxda kalena ku daydaan.”

Dad badan baa ku dooda in qabyaaladdu haatanba jirto, waa runoo waa jirtaa balse is waydii maxaa lagu helay oo aan ba’ iyo hoog, aano iyo eed ahayn?

Yeelkeede, bal aan dul istaagno dhowr qodob oo aan saaxi ku imanaynin haddii noocaas loo dhaqmo:

1 – Siyaasi beel metelaa horta ma jiro, siyaasigu wuxuu wax u qabtaa qoyskiisa gaarka ah sida carruurtiisa, xaaskiisa IWM, wixii soo dhaafaa waa wixii uu xil ahaan uga xishoonayo iyo asxaabta qaar. Marka iska iloow inuu siyaasi beel meel ugu maqan yahay.

2 – Xitaa haddii uu wadani qabiil oo ay belo ka dhacday uu iska dhigo hal wasiir wax u wada qaban karaa beeshiisa oo dhan mase heli karaan horta galaangal ay hal kulan kula yeeshaan waxqabad haba dambeeyee?

Tan kale, haddii uu xitaa qabiilkiisa ka wabxiyo wasaaradda uu joogo maxaa laga yeelayaa waxyaabaha ay beeshu uga baahan tahay wasaaradaha iyo wakaaladaha kale ee aanu joogin wasiirka beeshu?

3 – 4.5 waa nidaam xulitaan ee ma aha nidaam howleed sidaa darteed marka aad xil qaran ku tagto nidaamkaasi micnuhu ma aha inaad nidaamka ku shaqaynaysee waa inaad u wada adeegtaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

4 – Tan kale, waxaa jira dad badan oo aan wasiir iyo xildhibaan midna ku lahayn DF Somalia, haddban yaa iyaga u maqan?

5 – Maadaama nidaamka haatan jiraa uu beryahan ummadda la hortaagnaa fan-hadal ku saabsan inay la dagaallamayaan musuqa oo dad la xirey qaarna la cayrinayo, sidee uga iibsan karnaa inuu wasiir iyo Madaxwaynaha oo kasii horreeyey, ayna u muuqato in arrintan isaga laga qalin daartay, ay la bareeraan nin-tooxsi caadi ah oo qayaxan?

6 – Maxaaba loogu baahan yahay in la dhiso Dowlad Soomaaliyeed soow ma habboona inay beel kasta inta quraca tuuladeeda calal midabbo leh surato iyadu wexeeda qaybsato? Yacni waxaa halkaa ka baxaysa wax la yiraahdo Dowladda Somalia. Waxaa kale oo wayoodaysa qabyaaladdii awalba qaranka dumisey oo markan helaysa dhul cosob ah si qaabaddii hore ka doqonsanna waa loogu dhaqmi doonaa.

Waxan oo kale yaan ummadda mar dambe lala soo hor istaagin haddii in yar oo dux ihi ay harsan yihiin.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media