”Waayo qofkani?” – Laacib ay isku da’ yihiin Leo Messi oo 50-jir u qaab ekaaday lana garan waayey

0

(Barcelona) 18 Luulyo 2023 – A former Barcelona winger has been pictured looking unrecognisable compared to his playing days, despite retiring just one year ago.

Ciyaaryahankii hore Barcelona ayaa lasoo sawiray isagoo u muuqda mid aan la aqoonsan karin marka loo eego waayihiisii ciyaaraha, inkastoo uu ciyaaraha ka fariistay hal sano uun kahor.

Sawir uu Twitter ku wadaagey Maamulka Barca, waxa hadda ka muuqda wax u qaab eg oday gar cawlan balse waa laacib ay da’du deg deg u qabatay balse aan sidaa u waynayn.

Waa uun 36-jir la da’ ah saaxiibkiisii hore ee Lionel Messi, kaasoo lagusoo bandhigay kooxda Inter Miami habeenimadii Axaddii, laakiin goobjoogayaasha qaar ayaa ku dhibtooday inay rumaystaan muuqaalka ninkan kale.

Mid ka mid ah taageere ayaa Twitter-ka uga faallooday in uu ninkani ‘u ekaa 45 jir’ halka mid kalena uu ku daray jawaab la yaab ku dheehan yahay isagoo leh “tani ma noqon karto mid run ah”.

Ciyaaryahanka aannu ka hadlaynaa waa Arda Turan, kaasoo 15 gool u dhaliyay kooxda Catalan-ka oo uu 5 sano u diiwaan gashanaa (inkasta oo uu seddex amaah kaga maqnaa kooxda), isagoo kula guulaystey La Liga iyo laba Copa del Rey.

A former Barcelona and Atletico Madrid winger has been pictured looking unrecognisable at the age of just 36

Hadalsame Media