Threads oo jab wayn la kulmay wax aan 10 maalmood sidaa uga badnayn kaddib markii la bilaabay

0

(Washington, DC) 17 Luulyo 2023 – Threads ayaa waxa uu gaarey 100 milyan oo qof shan maalmood gudahood markii la bilaabay, iyadoo Mark Zuckerberg uu u dabaaldegayey tallaabo kasta, laakiin isticmaalka dhabta ah ee koobiga Twitter ayaa u muuqda inuu hoos u dhacayo, sida xogtu ay muujisay.

Zuckerberg waxa uu doortay in uu xarigga ka jaro Threads isagoo ku lamaansan Instagram, taasoo keentay in dadkii ku jirey degelka sawirku ay isu diiwaangeliyaan app-kan qoraalka markii la bilaabay Luulyo 6, taasoo ka caawisay inuu markiiba gaaro toban milyan oo isticmaale muddo toddobo saacadood gudahood ah, iyadoo Zuckerberg uu si farxad leh usoo dhoweeyey tadawurkaas yaabka leh.

Toddobaad gudihiis, Threads waxa ay ka dhacday 150 milyan oo caalami ah, iyadoo Hindiya ay ku xisaabtamayso 33% oo isticmaalayaasha cusub ah, Brazil 22%, sida laga soo xigtay Data.ai. Dadka Maraykanka ah ayaa boqolleeyda ka ah 16%, iyadoo Mexico (8%) iyo Japan (5%) ay soo raacayaan.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay halkaa marayso ayay Threads mar qura hoobad bilaabeen iyagoo hoos u dhacay ilaa 40% iyadoo ay dadkii joogtada u isticmaalayey ay hoos u dhaceen afar laab, marka loo eego xogta SensorTower.

Kaliya 16% isticmaaleyaasha ka mid ah ayaa soo laabtay maalintii toddobaad kaddib markii ay soo degsadeen, iyadoo waqtiga lagu jirey Threads ee usbuuc dhamaadkii ugu dambeeyey 60% ka hooseeyey markii la bilaabay Luulyo 6.

Xitaa markii uu ugu sarreeyey, Luulyo 6, Threads waxay 85% ka isticmaal yarayd Instagram, halka 60% ay ka hooseeysey Twitter-ka sida ay sheegayaan cabirrada falanqeeyayaasha SensorTower ee Abraham Yousef iyo Seema Shah oo la hadlay The Atlantic usbuucii hore.

Hadalsame Media