Maraykanka oo dal ay col yihiin si KAMA’ ah muddo dheer ugu dirayey farriimo xambaarsan sir CULUS

0

(Washington, DC) 18 Luulyo 2023Farriimo caadi ah oo ay adeegsadaan dadka isticmaala nidaamka e-mail-ka ee ciidamada Maraykanka ayaa keentay in malaayiin farriimo ah, oo ay ku jiraan qaar badan oo ka kooban dokumiintiyo diblomaasiyadeed iyo macluumaad kale oo sir ah, si kama’ ah loogu diro ciwaannada Dowladda Mali.

Pentagon-ka ayaa xaqiijiyey “in macluumaad khuseeya amniga qaranka la diray”, inkasta oo qaar badan oo ka mid ah farriimuhu ay ahaayeen kuwo aan waxyeello lahayn, misna qaar ka mid ah ayaa la sheegay inay ku jireen macluumaadka sida qabanqaabada safarka saraakiisha sare, canshuur celinta, soo celinta furayaasha sirta ah, khariidadaha xarumaha millateriga, iyo liiska shaqaalaha maraakiibta.

Jahawareerka baaxadda leh ayaana yimid sababtoo ah magaca ‘.MIL’ ee uu adeegsado millateriga ayaa sida cad si khaldan loogu qoray ‘.ML’, kaas oo noqonaya gadaal-galaha domain-ka qaran ee dalka Mali.

Inkasta oo Pentagon-ku ay sheegeen in e-mail-lada halkaa loo diray ay hadda xanniban yihiin, haddana ganacsadaha internet-ka ee Dutch-ka ah ee Johannes Zuurbier ayaa u sheegay Financial Times inuu ururiyey ku dhowaad 117,000 iimayllo millateri oo Maraykan ah oo u gacan galay Dowladda Mali lixdii bilood ee ugu horreeysay sanadkan.

Zuurbier, oo maamulayey barta internet-ka ee Dowladda Mali ilaa uu qandaraaskiisu dhacayey horraantii bishan, ayaa sheegay inuu markii ugu horreeysey ogaaday dhibaatadan ku dhowaad toban sano kahor wuxuuna si joogto ah uga digayey Pentagon in “khatartu ay dhab tahay oo ay arrintan ka faa’iidaysan karaan cadawgu.”

Maraykanka ayaa xiriirka millateri u jaray Mali kaddib afgembi millateri oo dhacay dalkaasi bishii Maarso 2012, kaasoo lagu afgambiyay Dowladdii la doortay ee dalkaas.

Maamulka Madaxwayne Joe Biden ayaa ka cawday 2021 in Dowladda Mali ay kiraysatey qandaraaslaha millateri oo Ruush ah Wagner Group ayna diiday inay aqbasho 2,000 oo nabad ilaalin oo dheeri ah oo Qaramada Midoobey ah, walow ay gebi ahaanba dalka haatan ka cayriyeen bishii tagtay.

Hadalsame Media