(Hadalsame) 18 Luulyo 2023 – Lacagaha qalaad waxaa loo kala mushtaraa iyaga oo la isu raacinayo laba labo, tusaale isku iibsiga doollarka Maraykanka iyo kan Australia. Saas darteed, lacag walba waxaa lagu qiimeeyaa kala sarreynta sarrif ee ay la leedahay lacag kale, waxaana sidan loo yaqaannaa “qiimaha sarrifka”.
Lacagaha qalaad badankood way is bedbeddalaan, oo ka dhigan in qiimahoodu marna kor aado marna hoos iyada oo ku xiran sida suuqa sarrifika looga dalbado lacagta iyo helitaankeeda. Hase yeeshee qaar ka mid ah lacaguhu waxay leeyihiin qiime go’an, taas oo ka dhigan isku sarrifka la isku sarrifayo lacagtaas iyo mid kale (sida doolarka) waa mid xaddidan waana heer sarrif oo lagu heshiiyey.
Sicirka sarrifku wuxuu saameeyaa qiimaha alaabta iyo adeegyada lacagaha qalaad. Dhaqdhaqaaqa sarrifka lacagaha ayaa sidoo kale fursad u ah maalgashadayaasha raadinaya inay faa’iido ka helaan ka ganacsiga sarifka lacagaha qalaad.
Waa kuwee shanta lacagood ee ugu qaalisan?
Waxaan soo eegnay lacagaha ugu xoogga badan, marka lagu saleeyo tirada lacagtaas ee lagu sarrifayo halka doollar ee kan Maraykanka ah. Qiimuhu waa midka xilliga qormada la qorayo oo ah 16 ka July 2023, isbaddelna wuu ku imaan karaa xilligaa wixii ka dambeeya.
Haddaba aan eegno lacagaha ugu xoogga badan, waxaana laga yaabaa in ay ay natiijadu filan waa kugu noqoto.
1. Diinaarka Kuweyd (KWD)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Diinaarka dalkan Carbeed ayaa ah kan ugu awoodda badan caalamka isaga oo aad halkii diinaar ku iibsan karto wax ka badan saddex doollar ($3.26) ama haddaan dhinaca kale u dhigno halkii doollar wuxuu la qiime yahay soddon iyo kow senti (0.31) oo diinaarka Kuweyt ah.
Dalkan yar ee dhaca inta u dhaxaysa Sucuudiga iyo Ciraaq ayaa inta badan dhaqaalihiisa ka hela dhoofinta saliidda cayriin. Diinaarka Kuweyt waxaa markii u hereysay la soo bandhigay sannadkii 1960 kii, waxaana markaas la xaddiday qiimaha isku beddelka diinaarkan iyo lacagta Ginida ee Ingiriiska ka hor inta aan sidoo kale lagu xaddidin lacaga kale oo aan la shaacin.
2. Diinaarka Baxreyn (BHD)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Diinaarka Baxreyn ayaa ah lacagta labaad ee ugu xoogga badan caalamka iyada oo halka diinaar ee Baxreyn aad ku iibsan karto ku dhawaad saddex doolra ($2.65) ama dhanka kale, halka dolar wuxuu la qiime yahay wax ka yar nus diinaar Baxreyn ah (0.38).
Baxreyn waa jasiirad dhacda xeebta koonfureed ee dalka Boqortooyada Carabiya. Si la mid ah Kuweyt, dalkan wuxuu dhaqaale badan ka helaa dhoofinta saliidda iyo gaaska cad. Diinaarka Baxreyn wuxuu saaxada soo galay 1965 wuxuuna qiime sarrif oo xaddidan la leeyahay doolarka Maraykanka.
3. Riyaalka Cumaan (OMR)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Riyaalka Cumaan ayaa soo galay kaalinta saddexaad ee lacagaha ugu xoogga badan caalamka, waxaana halka riyaal lagu sarriffaa wax ka badan laba dolar iyo bar ($2.60) haddi aad doolar wadatidna waxaad halka doollar ku iibsan kartaa 0.38 riyaal oo kaliya ( waa wax ka yar nus riyaal).
Cumaan waxa ay dhacdaa inta u dhaxaysa Imaaraatka Carabta iyo Yemen oo ku taal cidhifka Jasiiradda Carabta. Sida dalalka kale ee hodanka ah ee deriska la ah, Cumaan waa dhoofinta ugu weyn ee saliidda iyo gaaska. Riyaalka Cumaan waxaa la soo bandhigay 1970-meeyadii waxaana lagu qiimeeyay doolarka Mareykanka qiime xaddidan.
4. Diinaarka Urdun (JOD)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Lacagta afraad ee ugu awoodda badan caalamka ayaa noqoneysa diinaarka dalka carbeed ee Urdun. Halka diinaar ee Urdun waxaad ku iibsan kartaa $1.41 oo dolar ama halka dolar qiimihiisu waa 0.71 diinaarka Urdun ah.
Urdun waa dal intiisa badan aan bad lahayn oo ku yaala Bariga Dhexe. Urdun waxay aad ugu tiirsan tahay dhoofinta saliidda iyo gaasta marka loo eego deriskeeda waxayna la daalaa dhacaysay koboc dhaqaale oo gaabis ah iyo kor u kaca deynta lagu leeyahay. Diinaarka Urdun waxa uu suuqa soo galay 1950-kii waxaana lagu qiimeeyay doolarka Maraykanka.
5. Geniga Ingiriiska (GBP)

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE
Lacagta Geniga Ingiriiska oo sidoo kale loo yaqaan (Poumd) waa lacagta shanaad ee ugu xoogga badan adduunka iyadoo 1-ka Pound ee Ingiriiska lagu iibsado $1.20 oo doollarka Maraykanka ah (ama $1 waxay la mid tahay 0.83 Giniga Ingiriiska).
Britain waa dalka lixaad ee ugu weyn caalamka dhanka wax soo saarka gudaha oo loosoo gaabiyo (GDP), sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Pound-ka ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay 1400-meeyadii mana jiro lacago lagu xaddiday qiimaha ginida (Pound) sida lacagaha kale ee aan kor kusoo xusnay.
Doollarka Maraykanka ayaa galaya kaalinta tobnaad isaga oo ay ka horeeyaan lacagaha dalalka sida; jasiiradaha Cayman, dalka Gibraltar, Switezerland iyo lacagta ay ku mideysan yihiin dalalka reer Yurub ee Yuurooda.
BBC
Hadalsame Media