DHEGEYSO: Xaqiiqada dilka lagula kacay Nimco Jamaal & Cidda soo agaasintey dilkeeda

0

(Caabudwaaq) 18 Luulyo 2023 – Waxaa jirta gabar dhallinyaro ah oo lagu diley magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud waxaana soo baxayey warar bilowgii sheegayey inay muuqaallo “anshax-xumo ah” soo dhigtay TikTok?

Ha yeeshee, abtigeed Sheekh Ibraahim Faarax Cabdille ayaa weriyaha BBC, Faadumo Macallin Abuukar, uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay dilka Nimco Jamaal Axmed.

Sheekh Ibraahim wuxuu sheegay inay gabadha dileen 5 gabdhood oo ay aad iskugu dhowaayeen qoys ahaan, mid ay isku hooyo ahaayeen, habaryarteed, iyo 3 kale oo ay ibtiyaasheed dhaleen.

Wuxuu xusay in 5-ta gabdhoodba iminka la hayo sababta ay u dileenna lagu sheegay inay ”xanjafinayeen”, waxaana la sheegay inay ulo u adeegsadeen dilkeeda, iyadoo uu Sheekhu intaa raaciyey inuu gabadha soo korsaday.

Sheekhu ma beenin mana xaqiijin wararka sheegaya in sababta lagu diley ay tahay adeegsiga aaladda Tik Tok, wuxuuse qiray in gabadha ay isku hooyada ahaayeen ay iyadu soo duntay gabdhaha kale oo ay tiri gabadha ”anshax xumo” ayay ku kacday, ayuu sheegay.

Hadalsame Media