Xildhibaan sheegay in lagu dhaawacay magaalada Hargaysa & Cidda soo weerartay

0

(Hargaysa) 17 Luulyo 2023 – Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in lagu dhaawacay magaalada Hargaysa.

Diiriyey ayaa xusay in dhaawac dhinaca sanka ihi soo gaarey kaasoo ay u gaysteen koox uu ”burcad” ku tilmaamay kuwaas oo Hargaysa dhexdeeda ku weeraray, sida uu yiri.

“Waxa uu dhawac fudud iga soo gaarey burcad abaabulan oo igu soo qaaday weerar aniga oo ku guda jira shaqo maalmeedkaygii,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

”Ilaahay ayaa mad iska leh waa aan fiicanahay, nimankii falkaas gaystay waxa ay ku jiraan gacanta ciidanka booliska, cidda ka danbaysa iyo waxa ay yihiin waxa ay kasoo bixi doontaa baadhitaanka ciidanka.” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo ay ”burcadda” uu sheegay ay waxyeello u gaysteen gaarigii uu watay oo isna qaba xoogaa waxyeello ah, sida uu ku doodayo.

Booliisku kama hadlin xildhibaankuna ma bixin tafaasiil intaa dhaafsiisan.

Hadalsame Media