Waraysi lid ku ah reer Galbeedka oo noqday midkii ugu daawasho badnaa Twitter-ka (Daawo)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2023 – Tucker Carlson wareysigii uu 5 maalin kahor la yeeshay Andrew Tate ayaa Rikoor Taariikhi ah ka dhigaya Twitter kadib markii uu gaaray ku dhowaad 100 Million Views, waana wareysigii ugu daawadashada badnaa Taariikhda Twitter.

Tucker Carlson oo aan filayo inaad la socotaan xogtiisa waa wariyihii dhawaan laga cayriyay Shabakada Fox News, waa shakhsi kasoo horjeeda munaafaqada reer Galbeedka iyo arimaha la xiriira faafinta dhaqamada Qowmuluudnimada, asiga iyo Andrew Tate-na waxay ka simanyihiin meelo badan.

Wuxuu kasoo safray USA wuxuu tagay Romania asigoona wareysi soconaya 2 saacadood iyo bar (150 daqiiqo) la yeeshay Tate. Mudadii uu wareysanayay wuxuu Andrew Tate siiyay fursad walba oo uu naftiisa ku difaaci karay ama munaafaqasa reer Galbeedka ku duri karay.

Arimaha cajiibka leh waxaa kamid ah in mararka qaar ay si isku mid ah labadoodaba qosolka isugu jiibinayeen ileen waa labo shakhsi oo wax badan oge, kuwaasoo maanta Reer Galbeedka aamusintooda wado kasta u marayaan.

 

Adiga wali ma daawatay wareysigaas?

W; D: Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

Hadalsame Media