Maraykanka oo markii ugu dambaysey ka hadlay cidda ka dambaysa weerarka buundada Crimea (Daawo)

0

(Washington, DC) 17 Luulyo 2023 – Washington waxay “la socotaa” xaaladda buundada Kerch ee Crimea, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Antony Blinken, oo sidaa u sheegay suxufiyiinta. Si toos ah ugama jawaabin in Maraykanku uu taageeray weerarkii Ukraine ee buundada ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah iyo inay agoonteeyeen gabar yar oo 14 jir ah.

Mar wax laga waydiiyey duqayntii buundada intii lagu jirey shirkii jaraa’id ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Blinken wuxuu sheegay inuusan haysan “xog gaar ah oo uu ku bixiyo taas.”

“Waa xaalad aan la soconno,” ayuu Blinken u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan dhihi karaa, moowqif guud ahaan, dabcan Ukraine waa inay iyadu go’aan ka gaarto sida ay u qaadayso dagaalkan si ay u difaacdo dhulkeeda, dadkeeda, xorriyaddeeda.”

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in buundada ay Ukraine bartimaameedsadeen subaxnimadii Isniinta labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn oo badda ka yimid.

Qaraxa ayaan wax khasaare ah u gaysan rukumada buundada, balse waxa uu fujiyey hal qayb oo ka mid ah qaybta laamiga xilli qoys ay gaari halkaa la marayeen.

Aleksey Kulik oo 40 jir ahaa iyo xaaskiisa Natalya oo 36 jir ahayd ayaa isla goobta ku dhintay. Gabadhooda Angelina, oo 14 jir ah, ayaa dhaawac halis ah qabta waxaana loo qaaday isbitaalka Krasnodar.

Hadalsame Media