DF Somalia oo qaadday tillaabo naadir ah oo wax wayn ka tari doonta MUSUQA & Hal su’aal oo taagan

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2023 – DF Somalia ayaa qaadday tillaabo kale oo wax ka taraysa la dagaallanka musuqa baahsan ee ka dhex jira hay’adaha dowladda.

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa soo saartay wargalin ku socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu yiri ” Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Turkiga waxaa lagu wargelinayaa in Laga bilaabo 01 Agoosto 2023 cusboonaysiinta Baasaboorka lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga Dhexe, lana joojiyey lacagtii gacanta lagu qabanayey.”

Arrintan ayaa wax wayn ka tari doonta musuqii ka jirey Safaaradda waloow loo baahan yahay hab-howleedyo kale oo lagu xaqiijiyo inaan si kale wax loo musuqin.

Sidoo kale, waxaa muhim ah in la saxo qaabka iyo cidda lacag ka saari karta Bankiga Dhexe laftiisa oo haatan ay madaxdu u maamushaan sidii khasnad gaar ah.

Hadalsame Media