(Hargaysa) 17 Luulyo 2023 – Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ee Maamulka Somaliland ayaa saaka sheegay in lagu dhaawacay magaalada Hargaysa.
Diiriyey ayaa xusay in dhaawac dhinaca sanka ihi soo gaarey kaasoo ay u gaysteen koox uu ”burcad” ku tilmaamay kuwaas oo Hargaysa dhexdeeda ku weeraray, sida uu yiri.
Haatan waxaa arrintaa bayaan kasoo saaray Booliiska Somaliland oo qoraalkiisa ku yiri sidatan:
”Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa isku dhac dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mida Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xubno ka mida Ciidanka SL waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay.”
Hadalsame Media