Dal Muslim ah oo samaystay hub uusan jirin hal dal oo reer Galbeed ah oo haysta (Daawo)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2022 – Iran ayaa beri dhowayd soo bandhigtay gantaaalka guuxiisa ka dheereeya ee Fatax, kaasoo ah gantaal basllistig ah isagoo sheegay inuu awood u leeyahay inuu ka dhex duso nidaamka difaacyada, taasoo walaac kale u keeni karta reer Galbeedka iyo Israa’iil.

Haddaba, maxay yihiin gantaalahan guuxooda ka dheereeya, yaa haysta, waa maxay awoodda uu leeyahay nooca Iiraan, iyo macnaha guud ee daah-furkoodu?

Gantaalaha guuxooda ka dheereeya waa mid ku socda xawaare ugu yaraan uu 5 jeer jeer guuxiisa ka dheereeyo, waloow ay Iiraan sheeganayso xawaare intaa ka badan. Taasi waa inuu 1.7km (1.05 mayl) soconayo ilbiriqsigii ama 6,174km (3,836 mayl) saacaddii, taasoo raadaarrada ku adkaynaysa inay arkaan xilliga ku habboon.

Iran ayaa sheegtay in gantaalkani uu gaari karo masaafo dhan 1,400km (870 mayl) uuna ku socon karo xawaare aad u badan oo gaaraya inuu ilaa 15 jeer guuxiisa ka dheereeyo (5.1 km ama 3.2 miles ilbiriqsi) kahor inta uusan ku dhicin bartilmaameedkiisa.

Ilaa hadda, Ruushka iyo Shiinaha ayaa hubkan haysta, iyadoo Moscow ay tahay tan kaliya ee keeda lagu tijaabiyey dagaal furan. Maraykanka ayaa sidoo kale tijaabiyey gantaalahan guuxooda ka dheereeya balse weli laguma guulaysan inuu diyaar noqdana kama horreeyso 2027.

Halkan hoose kasii DAAWO….

 

Hadalsame Media