(Hadalsame) 17 Luulyo 2023 – Sanadkii 2004 ayaa waxay dowladda liibiya dil toogasho ah ku xukun-tay, 5 haween oo kalkaaliyeyaal Bulgaria u dhashay iyo dhaqtar falastiini ah.
Waxaa lagu soo eedeeyey inay 400 oo caruur ah ay ku dureen oo qaadsiiyeen fayraska H.I.V AIDS.
Dembiga lagu soo oogay markii la baaray waxaa caddaatay inay falkaas geysteen, balse Sanadkii 2007 ayaa dhammaantood xabsiga laga sii daayey!
Sii deyntooda waxaa ka qeyb qaatay ururka midowga yurub oo uu faransiisku hor kacayey, waxaana dambiileyaashii lagu wareejiyey madaxweynihii faransiiska ee Nicolas Sarkozy, waxayna ka dageen Bulgaria iyagoo aad loo soo dhoweeyey.
Midowga yurub waxay Qadaafi ku qanciyeen lacag 600 Malyan oo dollar ah oo ay magdhow ahaan u bixiyeen si loo siiyo ahelada caruurtii ay dhibaatadu gaartay.
Kalkaalisooyinkii Arintooda waxay dowladda Bulgaria ka sameysay filim muujinaaya caqabadihii ay kala soo kulmeen xabsiyada Liibiya, balse marna ma soo hadal qaadin dambiga ay geysteen iyo caruur aan waxba galabsan oo ay cudur halis ah ku talaaleen.
W; D: Mustaf Cawil Xasan
Hadalsame Media