
(Abidjan) 16 Luulyo 2023 – Waxaa Jimcihii dalka Ivory Coast lagu sameeyey isku aadka isreebreebka Koobka ADDUUNKA oo 2026 lagu wada qabanayo dalalka Maraykanka, Mexico iyo Canada.
Waxaa la sameeyey 9 guruub oo min 6 dal ah oo ku ciyaari doona guri iyo dibed, qaab is wada arag ah, iyadoo koox kasta oo guruubka ku guulaysata inay si toos ah ugu soo bixi doonto Koobka Adduunka ee FIFA 26™.
Dalkeenna Somalia ayaa sidii la filayeyba sanadkan markii ugu horreeysey taariikhda ka qaybgelaya isreebreebka Koobka Adduunka isagoo hoos ka hoggaaminaya Gurubka G maadaama uu dheriga ugu hooseeya galay.
Haddaba, Somalia ayaa nasiib u heshay inay booqato ku dhowaad gobol kasta oo ka mid ah Afrika, min woqooyi, galbeed, koonfur ilaa bariga, marka laga reebo bartamaha qaaradda, waloow Uganda ay juqraafi ahaan wada meteli karto bariga iyo bartamaha.
Waxay Somalia Wareegga G kula midaysan tahay dalalka Algeria, Guinea, Botswana, Mozambique iyo Uganda. Haddaba, hoos ka eeg halka ay juqraafi ahaan ku kala yaallaan.
Hadalsame Media