Kooxda PSG oo lagu eedeeyey arrin aan wanaagsanayn oo ay kula kacdo laacibiinteeda

0

MAXAA DHACAY? Sheegashadan qarxinta ah ayaa imanaysa iyadoo ay jirto sheeko ku xeeran mustaqbalka Kylian Mbappe, maadaama uu kooxda ku wargeliyay inuusan heshiis cusub saxiixi doonin jeer lala xiriirinayo Real Madrid.

Di Campli ayaa haatan sheegay in mari uu Verratti doonayey inuu u dhaqaaqo Barcelona ay PSG si cad ugu sheegtay inuu cayriyo wakiilkiisa. Runtiina, 2017-kii, laacibka khadka dhexe ee Italy ayaa bedeley wakiilkiisa, isagoo u wareegey Mino Raiola oo haatan dhinsan, laakiin sababta beddeliddaaas abid lama sharrixin.

Waxa ay yiraahdeen:  Isagoo la hadlaya Relevo, wakiilku waxa uu yiri: “Paris ciyaartooydu waa kuwo xabsi ugu jira, waligaa waxa ay rabaan oo kaliya ayaad samaysaa ; waa sida xabsi oo waxaa ka jira rakaato.”

“Dabeecada PSG mar walba waa rakaato, waxaan go’aansannay inaan aadno Barcelona, taasoo, sida iska cad, Amiirku aanu jeclaysanin. Al Khelaifi xitaa wuxuu ii sheegay in haddii aan isku dayo inaan sameeyo u wareegidda Barca, Verratti uu ii cayrin doono taasina waa sida ay ku dhammaatay. Waan hubaa in Marco uu cabsaday, mase qiran doono, laakiin waa sida ay tahay.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media