(Hadalsame) 15 Luulyo 2023 – Inter Milan ayaa lagu soo warramayaa inay ka carootay Romelu Lukaku maadaama weeraryahanka Chelsea aanu ka jawaabin farriimaha saaxiibadiis iyo macallinka tiiyo oo ay jirto xiisaha soo kordhay ee Juventus.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo weeraryahanka la siiyey waqti dheeri ah oo uu ka maqnaanayo Chelsea halka ciyaartooyda kale ay dib ugu soo laabteen tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sida laga soo xigtey saxafiga Talyaaniga ah Gianluca Di Marzio, Inter waxaa ka caraysiiyey hab-dhaqanka Lukaku, kaas oo aan u jawaabaynin kooxdiisii hore oo weli doonaysa.
Marka laga soo tago arrintan, warbixin kale ayaa sheegaysa in Inter ay ogaatey inuu jiro ‘inuu laacibku u dheg raaricinayo Juventus’ oo ah koox uu Lukaku horay u sheegay inuusan weligiis u ciyaari doonin isagoo ixtiraamaya Inter.
Dalabkooda ayaa la rumaysan yahay inuu yahay £32 milyan oo ginni oo lagu daray 1.5 milyan ginni oo dheeri ah, halka Inter ay diyaar u tahay inay bixiso heshiis kaas la mid ah laakiin lacagta ayaysan haatan diyaar la wada ahayn.
Dalabka Juventus wuxuu sidoo kale ku xirnaan doonaa iibinta weeraryahan Dusan Vlahovic kahor 4-ta Agoosto, halka Chelsea ay doorbidayso inay si dhaqso ah u iibiso Lukaku.
Arrintu hadda waxay taagan tahay in hab-dhaqanka Lukaku uu ‘dib u celinayo Inter’. Warbixintuba waxay sheegaysaa in weeraryahanku ‘uu u furmay Juventus’ oo uu kooxda la hadlay isagoo maraya qareenkiisa.
Hadalsame Media