Ingiriiska oo ”abaal laawe” ku tilmaamay dalka Ukraine misna war kale soo saaray

0

(London) 15 Luulyo 2023 – Xoghayaha Difaaca Britain ee Ben Wallace ayaa Jimcihii sheegay in faallooyinkiisii ku saabsanaa “abaal la’aanta” Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ee taageerada millateri ee UK ay “si khaldan loo fasiray”, iyo in dowladdiisu ay sii wadi doonto “ka caawinta Ukraine si ay usoo iibsadaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan.”

Isagoo ka hadlayey shirkii NATO ee Lithuania horraantii isbuucan, Wallace ayaa u sheegay suxufiyiinta “in dadku ay rabaan inay arkaan waxoogaa mahadnaq ah” oo ka yimaad Kiev.

Isagoo dib u gocanaya safar uu ku tegey Ukraine sannadkii hore oo islamarkiiba loogusoo bandhigay liiska dalabaadka ay doonayso Ukraine, Wallace ayaa wuxuu ku tilmaamay inuu u sheegay dhiggiisa Ukraine in dalalka reer Galbeedku “aysan ahayn sida Amazon.”

Hadallada Wallace ayaa kiciyey jawaab jeesjees ah oo ka timid Zelensky, kaasoo soo bandhigay “inuu subax kasta kici doono oo uu shakhsi ahaan ugu mahadcelinayo wasiirka.”

Yeelkeede, qoraal uu soo dhigay Facebook Jimcihii, Wallace wuxuu ku adkaystay inuusan marnaba warkiisa ula jeedin inuu dhaleeceeyo hoggaamiyaha Ukraine.

Hadalsame Media