“In Qur’aanka & Toowreedka la gubo waan kasoo horjeednaa” – Israel oo furka ku xoortay qorshe maanta lagu gubayo Toowreedka

0
Two states flags of Sweden and Israel. High quality business background. 3d illustration

(Tel Aviv) 15 Luulyo 2023 – Go’aanka ay booliisku ku fasaxeen in meel fagaare ah yimaado nin qorshaynaya inuu ku gubo kitaabada Tawreedka iyo Baybalka weliba bannaanka Safaaradda Israa’iil ayaa soo jiidatey carada dad badan oo ku nool Israa’iil iyo meelo kale.

Warkan ayaa Jimcihii qabsaday boggaga ugu waawayn ee wararka dalkaasi, waxaana qorshahan cambaareeyey xitaa Madaxweynaha Israa’iil.

“Anigoo ah Madaxwaynaha Israa’iil, waxaan cambaareeyey gubiddda Qur’aanka Kariimka ah, taasoo ah mid muqadas u ah Muslimiinta caalamka, waxaana hadda aad uga xumaaday in sidaas oo kale ay ku dhacdo Baybalka Cibraaniga oo ah kitaabka “barakaysan” ee Yahuudda” ayuu yiri Madaxwayne Isaac Herzog oo sheegay in qorshayaashani ay muujinayaan “nacayb mutaxan”, sida laga soo xigtey Times of Israel.

Tillaabadan ayaa sidoo kale waxaa cambaareeyey Koongarayska Yuhuudda ee Adduunka, kaas oo sidoo kale doortay inuu arrintan ku tilmaamo “nacayb”.

“Kutubta waa in la aqriyaa oo la ixtiraamaa”

“Gubida kutubteenna quduuska ah waxay dhaawacaysaa bulshada Yuhuuda ee Sweden iyo sidoo kale qof kasta oo qiimeeya jamacnimada iyo dhaqamada kala duwan. Waa in buugaagta la aqriyaa oo la ixtiraamaa, ee aan la gubin,” ayay hay’addu ku qortay bayaankeeda.

Golaha dhexe ee Yuhuuda ayaa sidoo kale cambaareeyay qorshayaasha gubista kitaabbadan.

Hadalsame Media