”Haddii Ukraine la siiyo F-16 waxaan u arki doonnaa weerar nukliyeer ah” – Ruushka oo digniin culus diray

0

(Moscow) 15 Luulyo 2023 – ”Moscow iskama indho tiri karto awoodda nukliyeer ee diyaaradaha dagaalka F-16 ee uu Maraykanku naqshadeeyay ee laga yaabo inay helaan Ukraine oo ay u ballanqaadeen taageerayaasheeda reer Galbeedka,” ayuu ku dooday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov..

Xilli ay sii socoto siinta hub badan oo casri ah nidaamka Kiev, “Maraykanka iyo maqaar saarkiisa NATO waxay abuurayaan khatar iska horimaad hubaysan oo toos ah oo lala galo Ruushka, tani waxay horseedi kartaa cawaaqib xun,” ayuu ka digey Lavrov oo wareysi siinayey Lenta.ru.

”Qorshayaasha lagu siinayo diyaaradaha F-16 Kiev ayaa weli ah tusaale kale oo ka mid ah dhaq-dhaqaaqa uga darista xaaladda ee reer Galbeedka lafteeduna waa “horumar aad khatar u ah,” ayuu yiri.

“Waxaan ku wargelinney quwadaha nukliyeerka – Maraykanka, UK iyo France – in Ruushku uusan iska indho tiri karin awoodda diyaaradahan oo qaadi kara hubka nukliyeerka,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda oo warkiisa sii wata.

“Ma jirto wax dammaanad qaad ay bixiyeen [Reer Galbeedku] oo na caawin doona,” ayuu ka digey. Intii lagu guda jirey dagaalka, millateriga Ruushku ma baari doonaan in diyaaradaha qaar ay ku qalabaysan yihiin inay hubka nukliyeerka iyo in kale, ayuu raaciyey.

“In nidaamyada noocan oo kale ah aan ku aragno Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine lafteeda ayaa waxaa loo tixgelin doonaa khatar ka imanaysa Galbeedka oo heer nukliyeer ah.” ayuu ku dooday Lavrov.

Waraysi ku saabsan shir madaxeedka NATO ee Vilnius Arbacadii, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa wuxuu yiri “waxaa jiri doona siinta diyaaradaha F-16 [Ukraine], oo laga yaabo inay ka yimaadaan wadamada Yurub ee leh sahayda F-16 ee dheeraadka ah. ”

Hadalsame Media