DAAWO: Faahfaahin ku saabsan heshiiska Tijjani Reijnders & Goorta uu Milano kasoo degayo + Sababta dhiirrigelisey

0

(Milano) 15 Luulyo 2023 – AC Milan ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay dhamaystirka heshiiska ay AZ Alkmaar ugala soo wareegayso laacibka khadka dhexe ee Tijjani Reijnders.

Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in wadahadallo wanaagsan ay labada kooxood dhexmareen saaka, haatanna isaga iyo Calciomercato ayaa daaha ka qaaday in laacibka lagala soo wareegey kooxda Eredivisie.

Calciomercato iyo Romano ayaa ku warramaya haatan in Milan ay AZ siin doonto lacag dhan €20 milyan oo euro iyo waliba gunooyin taasoo ay ku xasilisay adeegga 24-sano jirkan khadka dhexe ka ciyaara.

Waxaa la rumeysan yahay in Reijnders uu qalinka ku duugi doono heshiis afar sano ah, kaasoo socon doona ilaa xagaaga 2027-ka, iyadoo la siinayo mushaar sanadle ah oo loo malaynayo inuu yahay €1.7 milyan euro oo gunnooyin lagu daray.

Calciomercato ayaa sidoo kale aaminsan in Reijnders uu u duuli karo Milano horraanta Isniinta si uu u maro baaritaanka caafimaad kahor inta uusan si rasmi ah ugu wareegin San Siro.

Milan News ayaa sheegaya in rabitaanka adag ee laacibka, macallinka iyo maamulka Milan uu keenay inuu heshiiskani hirgalo, tiiyoo uu laacibku aad u xiisaynayey inuu kooxda ula safro Maraykanka oo ay kula ballansan tahay qaar ka mid ah kooxaha ugu waawayn Yurub.

Hadalsame Media