Dal Islaam ah oo 100,000 nuqul oo Qur’aanka Kariimka ah u turjumaya af Swedish

0

(Hadalsame) 15 Luulyo 2023 – Kuwayt ayaa go’aansatay inay daabacdo 100,000 nuqul oo Qur’aanka Kariimka ah oo loo turjumay af Swedish, mashruucan ayaa lagu xoojinayaa mabaadi’da Islaamka iyo qiyamka dulqaadka iyo nabad ku wada noolaanshaha bini’aadamka oo dhan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Doawladda ee KUNA.

Maamulka guud ee daryeelka daabacaadda Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabiga iyo culuumtooda ayaa arrintan ku dhawaaqay kaddib amar uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Sheikh Ahmed Nawaf al Ahmad al Sabah.

Waxaa socdey u diyaar garowga daabacaadda nuqullada Qur’aanka Kariimka ah iyo ku “qaybintooda Boqortooyada Sweden,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maamulka Daabacaada, Dr Fahad al Daihani.

Waxa kale oo uu sheegay in go’aanka Dowladda Kuwayt uu yahay inay xoogga saarto “dulqaadka” iyo manhajka saxda ah ee culuunta Islaamka.

May be an image of text

Hadalsame Media