(Hadalsame) 13 Luulyo 2023 – Somalia ayaa ka mid noqotay dalalka ay dadkoodu sanadihii ugu dambeeyey tegayeen dalka Maraykanka marka la eego boqolleeyda guud.
Yeelkeede, taasi kama dhigna inay Soomaalidu qoowmiyad ahaan ka mid tahay dadka ugu badan dalka Maraykanka ee halkaa ku tegey qaabka qaxootinnimada, sida ay qabaan USA Facts.
Si kastaba, Burma, Ciraaq iyo Somalia ayaa 40% ka ah dadka Maraykanka galay waqtigii u dhexeeyey 2001 ilaa 2022, waxaana halkaa tegey 109,860 qofood oo Soomaaliyeed.
Dalka Burma ee kaalinta 1-aad ku jira waxaa halkaa ka tegey 183,292. Halka dalka Ciraaq ay 2-aad ku galeen 148,384 qof oo Maraykanka tagtay mudadaa 21-ka sano ah.
EEUU 🇺🇸 ha acogido 1,094,307 #refugiados en los últimos 20 años, de los cuales más del 40% llegaron de Birmania (Myanmar), Irak y Somalia. pic.twitter.com/nbgzdXAdfM
— Imanol Teherre (@imanolteherre) July 12, 2023
Hadalsame Media