Qaraarkii ka dhanka ahaa Kitaab gubista ee QM oo guulaystey (Dalalka ka codeeyey & Dal aan laga filaynin oo u codeeyey)

0

(Geneva) 13 Luulyo 2023 – Dalalka reer Galbeedka ayaa kasoo horjeestey mooshin ka dhan ahaa Qur’aan gubista iyo Islaam nacaybka oo la horkeenay Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo ay Somalia qayb ka tahay.

Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmanka ayaa ka mid noqday dalalka diidey in la mamnuuco in la gubo Kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka kaddib codayntii ay Qaramada Midoobey in la joojiyo xadgudubka Kitaabka iyo gubista socota.

Pakistan ayaa iyada oo ka wakiil ahayd dhowr dal oo Golahan ku jira codsatay in deg deg looga wada hadlo arrintan kaddib markii Ciidii Adxada mar kale Sweden lagu gubey Kitaabka.

Qaraarkan oo haatan guulaystey ayaa waxaa u codeeyey 28 dal oo uu ku jiro dalkeenna Soomaaliya oo (Haa) ugu codeeyey in kitaabka Qur’aanka Kariimka la xushmeeyo islamarkaana la joojiyo gubistiisa.

Sidoo kale 12 dal ayaa diidey qaraarkan oo (Maya) ugu codeeyay, sida aad ka aragtaan jaantuska codaynta.

7 dal oo iyana waddamada Laatiin Amerika ubadan ayaa ka aamusay, halka dalal iyana Latin ah sida Argentina, Bolivia iyo Cuba ay u codeeyeen joojinta gubista.

Waxaa xusid mudan in Ukraine oo sanadihii dambe aad ula dhacsanayd Galbeedku ay u codaysay joojinta Qur’aan gubista iyadoo khilaaftay reer Galbeedka.

Wasiirka Cadaaladda Sweden ayaa isna mar sii horreeysey sheegay inay ka fiirsanayaan inay wax ka bedelaan xeerarka dibedbaxyada, halka Wasaarad Dibadeedka Sweden ay iyana horay ugu khasbanaatay inay cambaarayso gubitaanka iyo nijaasaynta Kitaabka Qur’aanka.

Hadalsame Media