(Kyiv) 13 Luulyo 2023 – Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelenskyy ayaa wuxuu Twitter-ka ka sameeyey arrin ay dad badani la yaab ka muujiyeen.
Boggiisa Twitter-ka Madaxwaynaha Ukraine waxaa ku taxan ilaa 7.3 milyan oo raace, kuwaasoo ay xitaa ku jiraan madaxda dalalka ugu waawayn adduunka. Waxaa ka mid ah lix xubnood oo ka mid ah 7-da dal ee G7 sida:
Hoggaamiyaha Jarmanka @Bundeskanzler Olaf Scholz, @CharlesMichel, MW Faransiiska @EmmanuelMacron, RW Talyaaniga @GiorgiaMeloni, RW UK @RishiSunak iyo Hoggaanka Midowga Yurub Ursula @vonderLeyen. RW dalka Canada @JustinTrudeau dhiggiisa Japan @kishida230 iyo MW Maraykanka @POTUS @JoeBiden.
Yeelkeede, MW Ukraine waxaa oo dhan kama hoos qaadine wuxuu kaliya raacaa xaaskiisa Olena @ZelenskaUA.
We are returning home with a good result for our country, and very importantly, for our warriors. A good reinforcement with weapons.
It is very important: for the first time since independence, we have formed a security foundation for Ukraine on its way to NATO. These are… pic.twitter.com/zA0hvg7sIi
— Володимир Зеленський (@ZelenskyyUa) July 12, 2023
Hadalsame Media