(Abidjan) 13 Luulyo 2023 – Waxaa goor dhow dalka Ivory Coast lagu sameeyey isku aadka isreebreebka Koobka ADDUUNKA oo 2026 lagu wada qabanayo dalalka Maraykanka, Mexico iyo Canada.
Waxaa la sameeyey 9 guruub oo min 6 dal ah oo ku ciyaari doona guri iyo dibed, qaab is wada arag ah, iyadoo koox kasta oo guruubka ku guulaysata inay si toos ah ugu soo bixi doonto Koobka Adduunka ee FIFA 26™.
Afarta kooxood ee ugu fiican ee kusoo baxa kaalinta labaad ayaa markaas ku tartami doona isreebreeb kala bax ah si loo go’aamiyo wakiilka CAF ku metelaya kulan kale oo kala bax ah oo ay maamulayso FIFA.
Tartanka kala baxa FIFA ayaa waxaa ka qaybgelaya min hal koox oo ka kala socda lixda xiriir ee heerka qaaradeed ee FIFA hoos taga, marka laga reebo UEFA, iyo hal koox oo dheeri ah oo ka socota xiriirka martigelinaya tartanka (Concacaf).
Laba ka mid ah lixda kooxood ayaa la gelin doonaa dheriga koowaad iyadoo lagu salaynayo qiimaynta FIFA/Coca-Cola ee adduunka. Labada kooxood ee dheriga koowaad la geliyey ayaa fariisanaya iyagoo sugi doona afarta kale ee isreebreebaya labadii kasoo baxda ay ay iskugu noqdaan afarta kooxood ee isu soo hari doona.
Dalkeenna Somalia ayaa sidii la filayeyba taagan caga saarta Gurubka G.
Halkan hoose ka dheeho sida ay xulalku iskugu aadeen:
Hadalsame Media