Dalka Afrika ugu booliiska wanaagsan & Midka ugu booliis xun oo la qiimeeyey + Sawirro (Yaa adduunka ugu fiican?)

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2023 – Booliiska dalka Botswana ayaa kaalinta koowaad ka galay ciidanka ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Booliiska Botswana ayaa lagu qiimeeyey adeegga booliiska ugu wanaagsan uguna xirfada badan Afrika marka loo eego qaabka sugitaanka amniga gudaha, dishibiliinkooda, balse waxaa ugu muhiimsan afar arrimood oo kala ah: mugga, wax ku oolnimada, sharciyadda iyo natiijada ama bandhigga, sida ay qiimaysay World Internal Security & Police Index (WISPI).

Dalka Rwanda ayaa soo galay kaalinta labaad halka Aljeeriya ay 3-aad gashay. Ghana ayaa 8-aad gashay, halka South Africa, Morocco, iyo Mali ay ku kala jiraan -aad, 10-aad, 11-aad, sida ay u kala horreeyaan, marka la eego liiska adduunka.

Tusmadu waxa ay sidoo kale cabbirtaa awoodda booliisku u leeyahay inay qabtaan adeegyo ammaan oo waxtar leh iyo sidoo kale cabbiraadda kalsoonida ay dadwaynuhu ku qabaan adeegyadooda iyo daacadnimadooda.

Booliiska Botswana xitaa inta badan ma sitaan wax hub ah marka ay timaado Kooxda Taageerada Gaarka ah loo asteeyay ee SSG.

Halkan waxaad ka arki kartaa 5-ta booliis ee dunida ugu wanaagsan iyo 5-ta dunida ugu liidata:

Hadalsame Media