Maraykanka oo si cad u sheegay inuusan ogolayn inay Ukraine ku biirto ururka NATO

0

(Washington) 12 Luulyo 2023 – Oggolaanshaha in Ukraine ay ku biirto NATO xilligan waxay horseedi doontaa gaashaanbuurta uu hoggaamiyo Maraykanku ay “dagaal toos ah la galaan Ruushka,” side uu qabo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan.

“Wadada dib u habaynta ee Ukraine” si ay xubin uga noqoto NATO ayaa la dejin doonaa laakiin “ma sheegi karo jadwalka hadda,” ayuu Sullivan u sheegay suxufiyiinta Talaadadii shir madaxeedka ay NATO ku leeyihiin caasimadda Lithuania, Vilnius.

“Maanta, ma qeexi doonno sida dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka uu u dhammaanayo, mana samayn doonno qeexiddaas,” yuu yiri Sullivan. Wuxuu intaas ku daray “waxaa jirey duruufo taariikhi ah oo siyaabo kala duwan loo eegayo su’aashaas.”

Sullivan waxa kale oo uu ka hadlay ajendaha wada-hadallada u dhexeeya Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden iyo dhiggiisa Ukraine, Vladimir Zelensky, kuwaas oo la qorsheeyey inay dhacaan inta lagu guda jiro shirka Vilnius.

Labada hoggaamiye waxay ka wadahadli doonaan “sida Maraykanku oo ay wehliyaan asxaabteennu ay diyaar u yihiin inay sameeyaan ballanqaadyo waqti dheer ah si ay uga caawiyaan Ukraine inay isdifaacaan hadda iyo inay ka hortagaan gardarrada mustaqbalka,” ayuu yiri.

Intii lagu guda jirey waraysi uu siiyay CNN Axaddii, Biden wuxuu isna ku dooday inay tahay “mid deg deg ah” inuu ka hadlo xubinnimada NATO ee Ukraine, isagoo intaa ku daray in Kiev ay u baahan yahay inay sameeyso dib-u-habayn badan oo “dimoqraadiyayn ah” kahor inta aysan ka mid noqon ururka NATO.

Hadalsame Media