Soomaalida Maraykanku inta badan waxay doortaan Dimoqraadiga balse waxaa jirta arrin ay ka il-duufsan yihiin

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2023 – Soomaalida Maraykanku waa inay Xisbiga Jamhuuriga u codeeyaan.

Soomaalida Maraykanka badankoodu waxa ay aad u taageeraan Xisbiga Dimoqraadiga, sababta oo ah; waxa ku badan soo galootiga, waxana uu taageeraa dadka shaqo la’aanta ah iyo saboolka.
Waxyaabaha ay Soomaalidu ku jecel yihiin Xisbiga Dimoqraadigu, gebi ahaanba, waa waxyaabo nolosha adduunyada khuseeya. Hase yeeshee kolka ay timaaddo waxyaabaha akhlaaqiyaadka ah, Xisbiga Dimoqraadugu waa mid aad uga fog.
Xisbiga kale ee Jamhuuriga (republican) ah, in kasta oo Soomaalida Maraykanku ay cabsi xoog leh ka qabaan laguna eedeeyo midab takoornimo, haddana waa xisbi la jaanqaadi kara dhaqanka muxaafidka ah ee Soomaalida.
Tusaale ahaan Xisbiga Jamhuuriga iyo Soomaalidu waxa ay wadaagaan qiyamka muxaafidka ah side; in la taageero qoysaska iyo guurka soojireenka ah ee ragga iyo dumarka ka dhexeeya, waxa ay labaduba kasoo horjeedaan ilmo soo rididda iyo nooc beddelista (gender change), waxana ay aqoonsan yihiin in aadanuhu uu ka kooban yahay lab (leh XY hiddo-side) iyo dheddig (leg XX hiddo-side).
Anigu hadda keddib ma garanayo sabab ay Soomaalidu ugu codeeyaan xisbiga dabooleyaasha (Democratic Part).

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media