(Muqdisho) 11 Luulyo 2023 – Horta rakaabkii ay maanta diyaaraddu shilka la gashay, Ilaaheey baa ka bedbaashay sadaqaana ku waajibtay balse wey sigteen,
Tankale, Aniga waxay ahayd mid mudo dheer ii muuqatay qatarta diyaaradaha xaraashka ah ee sida Taxi uga dhex shaqeeya Gobolada Dalkeena, marwalba oo aan Gobol u raacana waxaan dareemaa in nolosha dadkeena lagu khamaarayo, balse ay yihiin Allaa watoo wehel uma baahna, iyadoo looga faa’ideysanayo duruufta dowladeed ee ay ku sugan yihiin.
Haddaba, waxaan ku talinayaa in gebi ahaan diyaaradahaan ka shaqeeya dalalka aaney dadkoodu laheyn cid ka fekereysa bedqabkooda, islamarkaana aaney jirin dhibkii ay geystaan meel loo raacdo, in gebi ahaanba laga joojiyo shaqada, sidoo kalena ay shirkadaha iyo ganacsatadu la yimaadaan diyaarado caymis leh oo macquul ah.
“Haddii kale, waxaad maanta bi’isaan, berri ha u shalaayina Maryooleey“
FG:- Wey jiraan diyaardo macquul ah balse ma badna, mana laha Ceymis.
W; Q: Cabdulqaadir Dulyar
Hadalsame Media