KOOFI oo soo bandhigay 10 qodob ‘oo ay ku dhaqaaqi rabto’ Villa Somalia

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2023 – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka mid ah mas’uuliyiin dhowr ah oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, laguna sheegay ”nin cadaaladda ka baxsaday” ayaa weerar ku qaaday hoggaanka DF Somalia.

Koofi ayaa soo bandhigy ilaa 10 qodob oo uu tilmaamay inay ”damacsan tahay” in maalmaha soo socda ay ku dhaqaaqdo Xukuumadda Madaxwayne Xasan Sheekh, waxaana ka mid ah in haatan uu dabka saaran yahay qorshe wax looga beddalayo Dastuurka, sidoo kalena muddada loogu kordhinayo hay’adaha dowladda, sida uu yiri.

Wuxuu qoraalkiisa u dhigay sidatan:-

Adigoo Rag Ka Diidey Ha Raadin Maanta!

Maalmahaan waxaa socday isku dayo, la doonayo in dastuurka wax looga baddalo, si sharci darro ahna loo kordhiyo mudda xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee DFS.

Ujeedada ayaa ah in kooxda Villa Somalia ay sanado dheeri ah u hesho dhibaateynta, kala dirridda, boobka, iyo dhaqamada xun ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Xogaha hoose ee aan heleyno, ayaa sheegaya in ay jiraan qorsheyaal ay ku riyoonayaan in ay ku xaqiijin karaan ujeedadooda gurracan, waxaana ka mid ah:

1) Xadgudub iyo caga jugleyn loo geysan doono xildhibaanada diida qorshaha;

2) Laaluush iyo xilal lagu bixiyo fulinta ujeedada;

3) Xilalka oo lagu bixin doona hadba heerka nacamleynta shaqsiga;

4) Been abuur laga sameeyo siyaasiyiinta diidan aragtida kooxda;

5) Dilal qorsheysan oo la la beegsan doono dadka diidan qorshaha;

6) Hub ka dhigis lagu sameeyn doono siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan Kooxda;

7) Dukumentiyada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa safarka oo laga xayiri doono qofkasta oo ka soo horjeesta qorshaha kooxda;

9) Xisaabaadka (accounts) siyaasiyiinta oo loo dhici doono si been abuuro looga sameeyo;

10) Muqaalo xun oo laga sameeyo dadka ka aragtida duwan kooxda, si loo ceebeeyo (Jeeniskaaga ku seexo, shukaansigana yareey).

Dariiqa ay kooxdaani ku socoto ayaa ah mid ku xirmey rafashadii iyo dagaaladii hore loogu diiday kororsi, ayna weli yaalaan burburka iyo haraadiga gacan ka-hadaladii ka dhashey diidmada.

Muddo sanad ah oo ay Kooxdaani joogtey xilka, waxaa kala tagey dadkii iyo dalkii, waxaa naga aamin baxay dunidii, waxaa xoogeysey oo hub iyo hanti loo gacan galiyey Khawaarijta, waxaa la bahdiley dadkii difaaca iyo dowlad dhiska lagu yaqaanney, waxaa la boobey wixii ka harey boobkii ay 2012 – 2017 ay kooxdu geysatey, khibraddii iyo aqoontii ayaa qaaqle lagu badaley, ganacsatadii ayaa la canaadey lana dhacey, dhaqaalihii dalka ayaa burburey, ciidamadii ayaa laga dhigey calooshooda u shaqeysteyaal lagu adeeganayo.

Koox sanadkeeda koobaadba, dooneysa kororsi, ha ka sugin wax qabad iyo hore u socod midna. Waxa harey waa waqti lumis iyo burbur oo kali ah.

Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin, in ay diidaan qorsheyaasha gurracan ee meesha ka saaraya dowladnimada iyo jiritaankaba.

Ballanteenu waa in aan dariiq kasta u marnaa, sidii loo joojin lahaa qorsheyaasha kooxda Dacasleyda ah.

W; Q: Maxamed Aadan Koofi

Guddoomiyaha KMG ah ee Urur Siyaasadeedka Raad

Hadalsame Media