”Waa dhaqaaqi la’dahay” – Dhibaatada isku nooca ah ee tan iyo 60-kii haysata DOWLADNIMADA Soomaalida & Sababta ugu wayn

0

(Muqdisho) 10 Luulyo 2023 – Intii aan garaadsaday ee aan dawladnimada iyo macnaheeda dhabta ah wax ka bowsadayba, waxa ii muuqday ilaa maanta na ii muuqata, in ay dawladda hagaagsani tahay cudud kula jirta, cudur walba oo maanta bulsho haleela waxa ka daran dawladnimo xumada. Innaga oo sidaa u og wax walba ayaynu haddana indheehanna shanta ah ku aragnaa dawladaha Soomaalidu meel walba oo ay ku suga yihiin sida ay LA’AADKA u yihiin u na arag iyo adeeg xun yihiin!

Waa run doodda odhanaysa; in beeralaydu ay kaga fiican yihiin geellayda qaadashada hannaanka dawladnimo ee hagaagsan iyo aqbalidda is maamamulidda. Dhaqanka raacatinnimo iyo marba meel u guuridda farahabadan ee geellayda ayaa noqotay wax aan dawladnimada la jaanqaadi karin, oo sida aynu ognahay qofka meel deggan ayay dawladnimadu dhadhan u leedahay—dawladda na awelka horeba cidda samaysataa waa cid meel wada deggan oo is maamulidda u ga dan leh kala basrinta aagga ay dadku ku wada nool yihiin ee ma aha cid salkacsan oo intaa marba meel u guclaynaysa.
Dhaqankaas reer guraannimo ee dawladnimadii Soomaalida hagaaasiyay meel walba oo ay joogaan marka laga yimaaddo, indho dawladnimo u baahi qaba markaa aynu ku dheehanno dawlad-la-moodka Soomaalidu isugu sheekayso in ay yegleesheen, waxaa ii soo baxda mid qudha oo marwalba na iga murugaysiisa, oo ah in ay shacabka Soomaalidu ka calool go’een dawladnimada. Waayo, waxay noqotay wax aanay waxba ka dheefsan, wax laga dheefsado ha joogtee inta ay dadka badday baa ah wax aan maanta laga geyoon karin ka warramideeda.

Ta iga murugaysiisa waxay tahay; in aanu soo noqon doonin jacaylkii iyo u riyaaqsanaantii ay Soomaalidu ku qaabileen dawladnimadii ay ku hammiyeen horraantii lixdaamaadkii.

Ilaa 60-kii cid ku naaxda waa la waayey dawladnimo cid ay dhuunta u gashay mooyaane, mar waxay noqotay wax ay reero qudhi ku baadhaan ku na dhacaan hantida ummadda, marna waxay noqotay wax qof keliyi u maleeyo in uu isagu leeyahay, markalana waxay noqotay wax dadka kala disha oo midba dalluun ka ka tuurta, kolkana waxay noqotay wax shakhsiyaad ku ilaashadaan dantooda sii wad uun.

Intaana waxa falay siyaasi imaan la’ iyo mid bilaa wacyi ah oo aan la dareen ahayn dadkiisa. Kolkaa ma muuqato sabab cid qudhi u rajayso dawladnimo ruuwaayad ah oo aan shacabkeeda la haysan oo hawo-la-ciyaar ah.

W; Q: Mustafe Miiggane

Hadalsame Media