Midowga Yurub oo lagu ”khasbay” inay ka laabtaan casuumaad ay u direen MW Ukraine

0

(Brussels) 08 Luulyo 2023 – Diidmada CELAC ayaana ku khasabtay Midowga Yurub inay ka baaqsadaan inay Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ku casuumaan shir madaxeedka wadajirka ah ee soo socda ee ay la leeyihiin CELAC.

33-ka xubnood ee Koonfurta Ameerika ayaa loo qorsheeyey inay shir-madaxeedka wadajirka ah kula yeeshaan Midowga Yurub magaalada Brussels, laga bilaabo Luulyo 17. Spain ayaa markii hore ku casuuntey Zelensky inuu shirka kasoo qaybgalo, laakiin martiqaadkan ayaa “la tuuray” kaddib “ka biyo-diidka” hoggaamiyeyaasha CELAC, sida ay Euractiv werisey.

Kahor kulanka, Midowga Yurub wuxuu soo gudbiyey qoraal qabyo ah oo ku saabsan baaq wadajir ah, oo ay ku jiraan taageerada Ukraine, isbeddelka cimilada iyo ballanqaadyada tamarta cagaaran, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ujeedooyinka kale ee siyaasadda Midowga Yurub.

Yeelkeede, CELAC waxay dib usoo celisay soo jeedin ka kooban 21 bog, taasoo laga ” tirtirtay wax walba oo ku saabsan Ukraine,” sida mid ka mid ah diblomaasiyiinta EU uu u sheegay Euractiv.

Soo jeedinta lidka ku ah waxaa ku dhigan in EU iyo CELAC ay u doodi doonaan xal diblomaasiyadeed oo dhab ah oo wax ku ool ah oo lagu dhameeyo khilaafka hadda ka jira Yurub, iyadoo loo marayo habab nabadeed, kaas oo dammaanad qaadaya madax-bannaanida iyo amniga dhammaan dhinacyada, iyo sidoo kale gobolka iyo nabadda caalamiga ah, xasilloonida iyo amniga.” sida uu sheegay Euractiv.

Hadalsame Media