(Washington) 08 Luulyo 2023 – Maraykanka ayaa sheegay inaanu doonayn inuu dhaqaalihiisa ka madax banneeyo Shiinaha sababtoo ah tillaabo kasta oo noocaas ah waxay wax u dhimaysaa xasilloonida suuqa caalamiga ah, sida ay sheegtay Xoghayaha Maaliyadda, Janet Yellen, mar ay booqasho ku tagtay Beijing Jimcihii. Waxay ku doodday in tartan “caafimaad qabaa” uu faa’iido u leeyahay labada waddan.
Yellen waxa ay safar afar maalmood ah ku joogtaa Shiinaha kaasoo ay sheegtay inuu ujeedkiisu ahaa sidii loo horumarin lahaa “xiriir wax ku ool ah” oo u dhexeeya labada dal.
“Waxaan raadinaynaa inaan kala duwanaano, mase aha inaan kala go’no,”ayay Yellen sharraxday. “Labada dhaqaale ee adduunka ugu waawayn oo la kala saaro waxay khalkhal gelinaysaa dhaqaalaha adduunka, waxayna noqonaysaa wax aan macquul ahayn in tillaabadaa la qaado.”
Booqashada Yellen ayaa daba socota tii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken, oo Beijing ka degey bishii hore iyadoo Washington ay doonayso inay dejiso xiisadda.
Sarkaaladdan ka tirsan Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xakamaynta dhoofka kaddib markii Beijing ay ku dhawaaqday Isniintii in laga bilaabo bisha soo socota loo baahan doono shatiyo gaar ah si loo dhoofiyo curiyeyaasha Gallium iyo Germanium – oo ah laba birood oo muhim ah oo loo isticmaalo samaynta chips-ka kombuyuutarka.
“Weli waxaan qiimaynaynaa saamaynta falalkan, laakiin waxay na xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay dhisidda silsilado dhanka sahayda ah oo adkaysi leh misna kala duwan.” ayay Yellen ka sheegtay shir ay la yeelatay ganacsatada Maraykanka ee Beijing.
Hadalsame Media